Soldater från terrorgruppen IS. Foto: TT.
Soldater från terrorgruppen IS. Foto: TT.

Reer Sweden oo ka welwelsan weeraro argagixiso

Saddexdii qofba, hal oo dhiginta boqolkiiba 36 ayaa ka werwersan in Sweden lagu soo qaado weerar argagixiso, sidaa waxaa daaha ka fayday baadhitaan uu sameeyay ururka Sifo

Tiradan oo ah mid ka yar haddii la barbar dhigo dadka ku dhaqan waddanka Faransiiska ee ka cabsi qaba weeraro argagixiso, tiradaas oo gaadhaysa boqolkiiba 93, kuwaas oo aaminsan in weeraro argagixiso ay ka dhici doonaan waddanka Faransiiska sida ugu dhakhsaha badan, sidaa waxaa ku waramaya talefeeshinka qaranka Sweden ee SVT. ‘

Geesta kale taageerayaasha xisbiga SD ayaa saddexdiiba labo, oo u dhiganta boqolkiiba 67 ay aaminsan yihiin in khatarka ah in Sweden loo geysto weerar argagixiso ay aad u sarayso. Tageerayasha xisbiyada xulufada garabka midig ayaa boqolkiiba 42 ay aaminsan yihiin in Sweden khatar noocaas ah ay ku sugan tahay, halka boqolkiiba 30 taageerayaasha xisbiyada casaanka iyo cagaarku ay qabaan ra’yigaa.

Si kastaba ha ahaaye baadhitaanka waxaa ka qayb qaatay 1000 qof. 

Isha: SVT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".