Маргот Вальстрём. Фото: СДРПШ
Маргот Вальстрём. Фото: СДРПШ

Margot Wallström oo gaashaanka u daruurtay hindisihii xisbiyada mucaaradka

Dood shalay ka qabsoontay guriga baarlamaanka dalka Sweden oo lagaga hadlayay siyaasadda arrimaha dibada ee Sweden, ayaa wasiiradda arrimaha dibada Margot Wallström ay gaashaanka u daruurtay hindisii xisbiyada xulafada garabka midig.

Hinsahan oo ahaa in baadhitaan lagu sameeyay suurtogalnimada in Sweden ay xubin ka noqoto ururka militari ee Nato. Wasiirada ayaa ku andacootay in middan loo qaadan karo in Sweden ay wax ka bedeshay ra’yigeedii hore.

-Waxaan aaminsanahay in aan la nimaadno natiijooyin kala duwan, iyo sidoo kale midnimadii aan ka midaynayn in aynaan ku midoobin marka laga hadlaayo arrimaha Nato. Si kastaba, aan si u sii wadano doodan si waafaqsan dhaqanka Swedish-ka.

Gudoomiyaha guddida baarlamaanka u qaabilsan siyaasada arrimaha dibada Karin Enström oo ka tirsan xisbiga Moderat-ka ayaa aad uga niyad jabtay fariinta ka soo yeedhay wasiirada arrimaha dibadda.

-Wax jawaab ah kama aan helin wasiiradda arrimaha dibada, maxaa ku jaban oo loo diiday in arrinkan lagu sameeyo baadhitaan ku aadan, waxaa ay Sweden uga dhigan tahay in ay xubin ka noqoto Nato.

Shalay ayaa golaha baarlamaanku ay dood ka yeesheen xidhiidhka ka dhaxeeya Sweden iyo Nato, sidoo kale daandaansiga Ruushka iyo xaalada nabadgelyo ee gobolka.

 samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".