Utvisas på torsdag.
Familjen i Kakås hotas av utvisning. Foto: MAJA SUSLIN / TT

Laanta Socdaalka oo dad dib ugu celinaysa Poland

Inkastoo caruur badan oo magangelyo doon ah oo ay Sweden dib ugu celinayso waddanka Poland ay khatar ugu jiraan in meel lagu xidho, ayaa haddana kaaliyaha hogaanka sharciga ee Laanta Socdaalka Carl Bexelius uu aaminsan yahay in dib u celinta dadku ay halkaa ka sii socoto

-Warbixinta aan ilaa hadda hayo, ma arko nidaamkaas gabaabsiga ah, kuwaas ah in la helo damanaad gaar ah, May.)

Sharciga waddanka Poland ayaa dhigaya in dadka waaweyn iyo caruurtada xornimada laga qaadi karo labo sanno, middan guddida dabagalka jidh-dilka u qaabilsan Qaramada Midoobay ay dhaleecayn ba’an ugu jeediyeen waddanka Poland, in caruurta xornimada laga qaado.

Idaacada Raadiyaha Sweden ayaa soo werisay in Amina oo ka timi Suuriya ay lagu xidhay waddanka Poland, halkaas oo iyada iyo saddexdeeda caruuraba lagu xidhay saddex bilood. Middaas oo sababtay in ay xumaato xaaladooda caafimaad. 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".