Strdbåt 90 i Stockholms skärgård. Foto: Pontus Lundahl/TT.
Foto: Pontus Lundahl/TT.

W. Gaashaandhiga oo rabta 4 bilyan oo koron sannadkii

Wasaarada gaashaandhiga ayaa xukuumada ku wargelisay maanta in ay baahan yihiin lacag dhan 4 bilyan oo koroon sannad kasta. 

Markii lagu gudo jiray shirkii loogu magac daray Folk och Försvar ee Difaaca Shacabka ayaa taliyaha ciidamada Sverker Göransson uu sheegay in kharashkaasi uu noqon doono dhowr bilyan oo koroon sannadkii.

Hindisaha ah in Sweden ay balaadhiso gaashaandhigeeda ayaa ah mid soo burqaday gugii hore, iyada oo marka la qaada dhigay awooda is difaac ee ay Sweden u baahantahay. Bishii diiseembar ee sannadkii dhamaaday ayaa wasaarada difaacu dhayda ka cadaysay in miisaniyadeedu aanay u saamaxayn in ay wax isbedel ah ku sameeyaan habka ay hadda u shaqeeyaan.

Tusaale ahaan wasaarada gaashaandhiga ayaa u baahan diyaarado dagaal oo cusub si ay ugaadhsan karaan gujisyada shisheeye. Dhamaan xisbiyada ku jira baarlamaanka Sweden ayaa isku raacay in la kordhiyo miisaaniyada wasaarada gaashaandhiga. 

Isha: TT

samir.dualeh@sr.s

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".