Socialförsäkringsminister Annika Strandhäll. Foto: Henrik Montgomery/TT.
Socialförsäkringsminister Annika Strandhäll. Foto: Henrik Montgomery/TT.

Dawlada oo rabta in ay joojiso xeerka dadka ka saaraya caymiska shaqo la'aanta

Wasiiradda qaabilsan caymiska bulshada Annika Strandhäll ayaa habeenimadii axada u sheegtay Telefeeshinka Qaranka Sweden ee SVT, in ay rabaan in ay meesha ka saaraan xeerka xadaynaya waqtiga uu qofku ku jiro karo caymiska shaqo la’aanta

Hore ayaa dawladii hore iyo xisbiga Sverigedemokraterna ay u go’aamiyeen in xeerkan uu sii jiro. Xeerkan oo dhigaya in dadka ku jiraa caymiska shaqo la’aanta, xaalkooda dib loo eego labo sanno iyo badh ka dib, mar kasta. Taas oo macneheedu yahay in qofku uu waayayo kaalmada dhaqaale ee caymiska shaqada la’aanta, oo arrinkiisa dib loo eegayo in qofkan uu shaqayn karo iyo in kale.

Hadda ayay dawladu rabtaa in arrinkan ay wada hadal kala yeelayo xisbiyada xulufada garabka midig ee mucaaradka ah, sida ay sheegtay wasiiradda caymiska bulshada Annika Strandhäll.

Isha: SVT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".