Pass. Foto: Henrik Jansson
Svenskt pass. Foto: Henrik Jansson

Hindise Soomaalida Sweden u fududaynaya in ay qaataan dhalashada

Mubaarik oo sharxaya hindisaha
7:41 min

Kulan ay shalay isugu yimaadeen 54 urur oo ka tirsan xisbigaSocialdemokraterna oo lagu ururinayay hindisayaal iyo mooshino siyaasadeed, la rabo in loo gudbiya shirarka heer gobol iyo heer qaran ee xisbigan. 

Hindisayaasha siyaasadeed ee kulankan lagu ansixiyay waxaa ka mid ahaa, mooshin Soomaalida reer Sweden loogu fududaynayo in ay dhalashada Sweden ku qaataan 4-5 sanno, oo ah mudda ay ku qaataan dadka ajnebiga ah. Halka maanta ay Soomaalidu dhalashada waddankan dalbadaan 8 sanno ka dib. 

Mooshinkan ayaa hadda u gudbay heer gobol, haddii uu heer gobol ka gudbana, waxaa loo gudbin doona heer qaran. 

Mooshinkan waxaa diyaariyay Xildhibaan Mubarik Abdirahman, Abdulkhadir Mohamed iyo Peter Johansson, oo tirsan laanta xisbiga Socialdemokraterna ee Malmö. 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".