Глава "Демократов Швеции" заговорил
Окессон/ Åkesson. Foto: Robin Halder/TT

Jimmie Åkesson oo muddo xanuun ku maqnaan doona

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson ayaa dheereeyay waqtiga uu ku maqnaan doono jirro. Åkesson ayaa codsaday in muddada uu xanuunka ku maqnaanayo loo kordhiyo ilaa dhamaadka bisha saddexaad ee maarso

Sidaa waxaa wargeyska Expressenu xaqiijisay xafiiska xoghaynta baarlamaanka. Geesta kale, shalay markii xoghaya cusub xisbiga Sverigedemokraterna Richard Jomshof uu sheegay in Jimmie Åkesson uu dhawaan wargelin ka bixin doono mustaqbalkiisa.

Jimmie Åkesson ayaa jidh iyo maskax ahaanba u daalan, wuxuuna xanuun ku qornaa ilaa bishii oktoobar ee sannadkii hore.

Isha: Expressen, Omni

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".