Gustav Fridolin
Gustav Fridolin Foto: Miljöpartiet de gröna i Solna / CC BY 2.0

Dawlada oo taageeraysa iskuulada tayadoodu hoosayso

Saddex bilayn oo koroon ayaa ku bixin doona mushahar kordhin loo samayn doono macallimiinta sannadka 2016, laga bilaabo xilligan guga’ na hey’adda qaabilsan arrimaha waxbarashada waxay fursad u helaysaa in ay taageerto iskuulada tayadoodu liidato

Lacag gaadhaysa saddex boqol oo milyan ayaa sannadkan lagu maalgelin doona iskuulada tayadoodu hoosayso, sida uu wasiirka waxbarashda Gustaf Fridolin (MP) u sheegay wargeyska Svenska Dagbladet.

Geesta kale, go’aamada la sugaayo in ay soo baxaan sannadkan waxaa ka mid ah in masuuliyiinta iskuuladu ay dalban karaan kaalmo dhaqaale oo xaga dawlada ah si ay u shaqaaleeyaan dad badan , loona kordhiyo shaqaalaha iskuulada.

Isha:SvD

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".