Lyssnarbild: Norrsken över Luossavaara, Kiruna. Foto: Patrik Hansson.
Lyssnarbild: Norrsken över Luossavaara, Kiruna. Foto: Patrik Hansson.

Qalbi madoobaadka oo waqooyiga Sweden ku badan

Dadka ku nool waqooyiga Sweden ayaa halis ugu jira in ay qaadaan qalbi madoobaad, sidaa waxaa ka dhawaajiyay khuburo u dhalatay waddamada Sweden iyo Boqortooyada ingiriiska. Oo arka astaamo isku mid ah oo taagan labadan waddan.

Qalbi madowga ayaa ah cudur xasuusta ruuxa ka qaada, gaar ahaan markuu da' gaaro.

Halista ah in qalbi madoobaad ku dhaco dadka degan waqootiga Sweden, ayaa saddex jeer ka badan haddii la barbar dhigo dadka degan koonfurta Sweden.Arrinkan ayaa sabab looga dhigay in dadka waqooyiga ku nooli aanay arag iftiinka qorraxda. Geesta kale hore ayaa cilmi baadhisyo la sameeyay ay u xaqiijiyeen in xidhiidh ka dhaxeeyo yaraanta faytiimiin D iyo cudurka ilawshiyaha.Isha: SvDsamir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".