Namnet "Facebook" syns på en dataskärm.
Dad badan oo xanuuno nafsi ah kala kulma isticmaalka intarnatka. Foto: TT.

Dad badan oo xanuuno nafsi ah kala kulma isticmaalka intarnatka

Waxa batay dadka aadka ula qabsaday intarnatka ee dhibaatada kala kulmay. Waxa jira dad badan oo ku daalay isticmaalka isgaadhsiinta casriga ah kuwaasi oo baahan in la caawiyo.

Waxa jirta daraasado ka socda dalka Maraykanka, kuwaasi oo muujinaya in dabeecaddani tahay mid uu qofku ku qasban yahay. Patrik Wincent oo ah dhakhtar cilminafsiga bartay oo ka shaqeeya magaalada Stockholm ayaa sheegay in ay maalintii la soo xidhiidhaan celcelis shan ilaa toban qof oo raba in laga caawiyo dhibaato ay isgaadhsiinta bulshada ee casriga ahi ku hayso. Dadkan ayaa dhibaatadooda ku sheega in ay hurdo la'aan i hayso iyo in ay ku liitaan bulsho dhexgalkii dadka ay la noolaayeen. Patrik ayaa sheegay in codka uu telefoonka ama farriintu ku soo dhacdaa yihiin kuwo markasta u baaqaya maskaxda, iyaga oo culays ku keenaya maskaxda.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".