Högsta domstolen
Högsta domstolen. Foto: Bengt O. Nordin SVT Bild

Dawlad oo dhintay miisaaniyadda maxkamadaha

Dawlada ayaa lacag gaadhaysa boqolaal milyan oo koroon ka dhintay miisaaniyadda maxkamadaha waddanka ee sannadaha soo socda

Sida laga soo xiganayo Waaxda garsoorka middan ayaa horseedi doonta in waqti dheer la sugo la guddo galo dacwadaha dembiyada, sidaa waxaa ku warantay shaashada la iska daawado ee TV4.

Dacwadaha ay qaadaan maxkamada waddanku ayaa korodhay sannadihii u dambeeyay, hadda si loo soo koobo baadhitaan dacwadaha ayaa Waaxda Garsoorku dalbatay in loo kordhiyo miisaaniyadda sannadka soo socda.

Balse midda bedelkeeda xukuumada ayaa go’aansatay in ay ka dhimaan miisaaniyadda ay siiso maxkamadaha lacag dhan 180 milyan oo koroon.

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".