Partiledare Göran Hägglund (KD). Foto: Fredrik Sandberg/TT
Hoggaamiyaha xisbiga KD Göran Hägglund (KD). Foto: Fredrik Sandberg/TT

DEG DEG: Hägglund oo ku dhawaaqay inuu is casili doono

Hoggaamiyaha xisbiga Kristendemokraterna, Göran Hägglund ayaa barta shaashadda twitterka ku caddeeyay inuu isaga degi doono jagada uu xisbiga u hayo ee hoggaanka xisbiga. Göran Hägglund ayaa sidoo kale sheegay in uu daqiiqada soo socda qaban doono shir saxafadeed. 

Göran Hägglund ayaa ah 56-jir, xaasley ah oo qaba gabadha magaceed la yidhaahdo Karin Hägglund. Lamaanaha oo isu dhalay labo wiil ayaa degan magaalada Jönköping ee gobolka Småland.

Hägglund ayaa saxaada siyaaasada ku soo biiray sannadihii toddobaataneeyadii, isaga oo markaa ahaa dhalinyaro. Sidoo kale baarlamaanka waddanka Sweden ayuu ku jiray ilaa 1990-kii. Göran Hägglund ayaa xukuumadii hore ka ahaa wasiirka arrimaha bulshada

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".