Högsta domstolen
Dhismaha Maxkamadda sare. Foto: Bengt O. Nordin SVT Bild

Garsoorka oo miisaniyaddiisa la dhimay

Dawlada ayaa lacag gaadhaysa boqolaal milyan oo koroon ka dhintay miisaaniyadda maxkamadaha waddanka ee sannadaha soo socda, sida uu weriyey telefishinka tv4.

Sida laga soo xiganayo Waaxda garsoorka middan ayaa horseedi doonta in waqti dheer qaatado gudo galka dacwadaha iyo kiisaska maxkmadaha soo gaara.

Kiisaska iyo Dacwadaha ay qaadaan maxkamadaha waddanka ayaa korodhay sannadihii u dambeeyay, haddaba si loo soo koobo baadhitaan dacwadaha ayaa Waaxda heyaddaha Garsoorku horey u dalbatay in loo kordhiyo miisaaniyadda sannadka soo socda. Balse midda bedelkeeda xukuumada ayaa go’aansatay in ay ka dhimaan miisaaniyadda ay siiso maxkamadaha lacag dhan 180 milyan oo koroon.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".