Hovrätten för Västra Sverige. Foto: Jospia Kesic/Sveriges Radio

Maxkamadda rafcaanka oo xukun ku riday koox xagjir ah

Maxkamadda Rafcaanka ayaa maanta xukun labo sanno ah ku riday koox xagrjir ah dhanka bidix ah, kuwaas oo sannadkii hore bishii may lagu xukumay, ka dib markii ay garaac iyo hanjabaad u geysteen dad.

Kooxda ayaa isticmaalaysay magaca ururrka  Revolutionära frontens. Maxkmadda degmada ee magaalada Stockholm ayaa oo kooxdan hore u xukuntay ayaa adeegsatay xeer adkaynaya ciqaabtan, ka dib markii ay dembigan u aqoonsatay mid qorshaysan.

Dacwadaha kooxdan lagu soo oogay waxaa ka mid ahaa jidh-dil indhaha saxaafada soo jiitay oo loo geystay laba nin oo u dhashay waddanka Slovakia, kuwaas oo lagu khalday in ay ahaayeen naasiyiin, ka dibna inta la weeraray la garaacay.

Isha :TT

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".