Demonstration mot piskningen av författaren Raif Badawi i Saudiarabien.
Demonstration mot piskningen av författaren Raif Badawi i Saudiarabien. Foto: TT

Dawlada oo aan joojin doonin heshiiska hubka ee Sucuudiga

Dawlada Sweden ayaa ku gacan saydhay hindise ay soo jeediyeen xisbiga Bidixda ee Vänsterpartiet oo ahaa in dawladu ay gebi ahaanba joojiso heshiiska hubka ee ay Sweden la leedahay Sucuudiga

Ra’iisal wasaare Löfven ayaa midkaa dhayda ka cadeeyay shalay, mar suaalo lagu waydiinayay golaha baarlamaanka dalkan. Taa bedelkeeda Stefan Löfven ayaa sheegay in ay gorgortan ka geli doonaan heshiiskan.

Sweden ayaa heshiis xagga ciidamada ah kula jirta Sucuudiga, heshiiskan waxaa ka mid ahaa in Sweden ay wershed hubka samaysa u dhisto Sucuudiga, balse wershedaas ayaa la joojiyay ka dib markii Idaacada Raadiya ay fashilisay.

Sucuudiga ayaa lagu dhaleecaynayaa in uu yahay waddan keligii talis ah oo aad ugu liita xuquuqda haweenka. Geesta kale, xisbiga dawlad wadaagta la ah Socialdemokraterna ee Miljöpartiet ayaa ka biyo diiday heshiiskan, Afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga Miljöpartiet Valter Mutt.

-Anagu waxaanu leenahay, may. In lala yeesho heshiis ciidan mid ka mid ah keligi taliyayaasha ugu xun adduunka, waa mid aan caqli gal ahayn. 

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".