Sjukvården har allt svårare att hitta distriktsläkare. Arkivbild: Karin Hellzén/Sveriges Radio.
Arkivbild: Karin Hellzén/Sveriges Radio.

Hosbitaalada oo gabaabsiga ka heysto kalkaaliyaasha caafimaadka

Hosbitaalada baxiya daryeelka degdegga ah ayaa waxaa gabaabsi ku ah kalkaaliyaasha caafimadka. Hosbitaalada ayaa u baahan ku dhawaad 2 000 oo ah kalkaaliyaasha caafimadka, sidaas waxaa muujinaya baaritaan uu sameeyey wargeyska DN.

Gababsiga kalkaaliyaasha ayaa sabab u noqday in ku dhawaad 900 oo gooboob oo dadka ka heli kareen daryeel caafimad in la xiro.

Ururka abaabula shaqaalaha caafimaadka (vårdförbundet) ayaa sheegay gabaabsiga kalkaaliyaasha ay sabab u tahay mushaarooyinka kalkaaliyaasha oo hooseeya. Wasiirka daryeelka caafimadka Gabriel Wikström oo la hadlayey wargeyska SVD ayaa sheegay in loo bahanyahay in wax laga qabto xaaladda shaqo ee ay ku sugan yahiin kalkaaliyaasha caafimaadka.

Sidoo kale shaqaalaha caafimadka ayaa ku tilmaamay in bay'adaha ay ku shaqeeyan tahay mid wax u dhimaysa amniga bukaanka, sida lagu muujiyey baaritano wareysiyo oo ururka degmooyinka iyo gobalada sameeyey.

19 ka mid 21 gobal ee dalkan Sweden ka koobanyahay ayaa sheegay in culeys ka heysto shaqada caafimaadka ayna heysato shaqaalo yeri.

Gobalada Sweden ayaa masuuliyadda koobad saaran tahay marka laga hadlayo siinta daryeel caafimad dadka ku nool gobolka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".