Ramla Abdullahi
"Så fort du är muslim blir du en människa som ska definiera alla andra muslimer", säger Ramla Abdullahi Foto: Michael Verdicchio/SR

Wargeyska Expressen oo bilaabay taxane ku saabsan muslim nacaybka

Maanta ayaa jariirada Expressen ay bilawday taxane cusub oo lagu magac daray ”Nacatbka ka dhan ka xijaabka” taxanahan ayaa ka kooban shan qaybood oo diirada lagu saarayo shan dumar ah oo muslimiinta raar Sweden ka mid ah.

Taxanahan ayaa loogu kuur gelaya sida uu u eegyahay nolol maalmeedka haweenkani, iyada oo ay korodheen dembiyada jinacaybku. Tusaale ahaan muslim nacaybka sannadihii u dambeeyay.

Musalsaladan qaybta ugu horaysa ayaa ku saabsan gabadh soomaaliyeed oo 20-jir ah oo ah ardayad barata xirfada macallinimo, gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Ramla Abdullahi ayaa degan magaalada Göteborg. Ramla oo ka sheekaynaysa nolol maalmeedkeeda ayaa sheegtay in marar badan la candhuufo lagu tufay.

Isha: Expressen

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista