Arbetsmarknadsminister Ylva Johansson
Arbetsmarknadsminister Ylva Johansson. Foto: TT

Dawlada oo rabta in ay wax ka bedesho nidaamka shaqooyinka

Dawlada ayaa rabta in ay wax ka bedesho nidaamka shaqooyinka cusub ee lagu miisaaniyad geliyo taageerada dhaqaale waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo - nystartjobb, sida uu qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Sida laga soo xiganayo wasiiradda shaqada Sweden Ylva Johansson umuurtan ayaa la xidhiidha shuruudaha dadka hela shaqo lagu maal-geliyo taageero dhaqaale in heshiiska lala galaa uu la mid noqdo shuruudaha heshiisyada lala galo shaqaalaha haysta shaqooyinka caadiga ah.

Arrinkan ayaa looga dan leeyahay in meesha lagaga saaro shirkadaha aanay ka dhab ahayn in ay fursad shaqo u abuuraan dadkan, balse ka faa'idaysanaya in ay helaan shaqaale ay dawladu ku maalgeliso. Wasiiradda shaqada Ylva Johansson ayaa aminsan in middani ay muhiim u tahay suuqa shaqada. Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in hoos loo dhigay saqafka dhaqaalaha lagu maal-geliyo shaqaalaga, middaasina oo la gaarsiiyay ugu badnaan 22 000 oo koronka iswiidhishka, halkii aanay horay xad middaasi u lahayn.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".