FN-flaggan vajar i vinden. Foto: Stefan Karlsson/SVT Sápmi
FN-flaggan vajar i vinden. Foto: Stefan Karlsson/SVT Sápmi

QM oo rabta siyaasadd qoxoonti oo midaysan

Maanta ayaa wasiiradda arrimaha dibada Sweden Margot Wallström ay la kulantay sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxoontiga Antonio Guterres, shir saxafeed lagu qabtay xarunta dawlada ee Rosenbad

Shirkan oo lagaga hadlay arrimaha la xidhiidha qoxoontiga ee hadda taagan. Guterres ayaa shirkan ka sheegay in Sweden ay tahay ”udub dhexaad” marka laga hadlaayo magangelyo doonka iyo arrimaha caawimooyinka. Sidoo kale wuxuu sheegay in siyaasadda qoxoontiga ee Sweden iyo Germany ay tahay mid lagu dayan karo. Geesta kale Antonio Guterres ayaa ka dhawaajiyay in waddamada kale ee Midawga Yurub in ay kacaan oo masuuliyad isa saaraan.

Isha: TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".