Halima Ali iyo Ramlaa Abdulaahi

Waxay moodayaan in xijaabka nala ku khasbay

"Aqoon daro ayaa haysa".
12 min

Inkastoo dabaylaha Islaam nacaybka ee Yurub ka dhacayaa ay yihiin kuwo xoog badan, ayaa sidoo kale waxaa Sweden ku soo badanaya dembiyada la xidhiidha Islaam nacaybka. 

Afartii sanno ee u dambeeyay ayaa dembiyada la xidhiidha Islaam nacaybku ay kordheen boqolkiiba 69. Sida lagu sheegay barnaamijka Uppdrag Granskning ee ka baxa Talefeeshinka Qaranka Sweden ee SVT. 

Geesta kale, wargeyska Expressen ayaa bilaabay film taxane ah oo lagu magac daray ”Nacatbka ka dhan ka xijaabka” taxanahan ayaa ka kooban shan qaybood oo diirada lagu saarayo shan dumar ah oo muslimiinta raar Sweden ka mid ah.

Musalsaladan waxaa ka qayb qaadanaya gabdho somaaliyeed oo magacyadooda la kala yidhaahdo Halima Ali iyo Ramlaa Abdulaahi. Gabdhahan ayaa ka sheekaynaya hanjabaado af iyo adin ah oo ay kala kulmeen xijaabka ay xidhan yihiin. 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".