ViFEM 2015 Studion - Ljudtekniker Bjarne Johansson i kontrollrummet. Foto Stig-Arne Nordström/Sveriges Radio.
Waaxaha idaacadda Raadiyow Iswiidhan oo tijaabo codka ah sameeyay. Foto Stig-Arne Nordström/Sveriges Radio.

Laamaha raadiyowga Iswiidhan oo tijaabo codka ah sameeyay

Waaxaha kala duwan ee idaacadda Raadiyow Iswiidhan ayaa tijaabo dhanka maqalka codka idaacadda ah ku sameeyay 71 dugsi waxbarasho oo ku yaalla dalka Iswiidhan.

Tijaabadani codkani ayaa afar meeloodoow hal meel gaadhaysay cabirka 80 decibel ( dBA). Taasi oo dhawaaqeeda lagu qiyaasay in ay u dhiganto sidiiyoo uu qofku ka shaqaynayo meel geerash ah ama uu ku qadaynayo waddada uu gaadiidku maro badhtankeeda.

Kerstin Persson Waye oo ah barafasoor ku takhasustay daryeelka deegaanka shaqada,kana tirsan akadamiga Sahlgrenska ayaa sheegtay in tijaabadan la qaaday ee codka dheer ee idaacaddu uu keeni karo in uu qofka dhaawac ka soo gaadho dhanka dhegaha haddii uu hal maalin oo dhan dhegaysto, isaga oo aan dhegaha gashanayn qalabka loogu talogalay in uu dhawaaqa dheer celiyo. Waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:

- Waa mid aan caqligal ahayn in cod sidan u dheer la dhegaysto. Codkan sidan oo kale u sarreeyaa waxa uu saamayn ku yeelanayaa hannaanka waxbarasho iyo fahanka ardayga. Taasina waxa ay keenaysaa in uu ardaygu markiiba ilaabo waxa wixii loo sheegay iyo in ay ku adkato in uu fadhiisto oo uu dhegaysto marka lala hadlayo.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".