I Västernorrland fick 203 kvinnor bröstcancer 2013. Foto Ulla Öhman
Waxa batay dadka iska baadhaya kansarka uu hidduhu keeno. Foto Ulla Öhman

Waxa batay dadka iska baadhaya kansarka uu hidduhu keeno

Waxa batay dadka iska baadhaya kansarka uu hidduhu keeno
0:39 min

Daraasad cusub oo uu sameeyay tiifiiga SVT ayaa muujinaysa in ay bateen dadka iska qaadaya tijaabada hidderaaca si ay u ogaadaan in ay halis ugu jiraan in uu ku dhaco cudurka kansarka ee hidderaacu keeno.

 Waxa kor u kacay dadka soo booqanaya xarunta Sahlgrenska sjukhuset ee magaalada Göteborg ee lagu daryeelo dadka uu hayo cudurka kansarku. Tirada dadka iska qaadaya tijaabadan ayaa libinlaabmantay, waxaanay intooda badani rabaan in ay sii ogaadaan in uu ku dhici karo kansarka naasuhu. Waaxda qaabilsan baadhitaanada hidderaaca ee cisbitaalka jaaamacadda Linköping ayaa dadkii booqday sannadkii 2003 waxa ay dhammaayeen 40 qof, halka ay tiradaasi hadda kor u kacday, ayna marayso 600 sannadkii.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".