Pass. Foto: Henrik Jansson
Wasiirka caddaaladda oo ka hadlay aqoonsiyada been-abuurka ahFoto: Henrik Jansson

Wasiirka caddaaladda oo ka hadlay aqoonsiyada been-abuurka ah

Wasiirka caddaaladda Iswiidhan Morgan Johansson ayaa ballanqaaday in la soo saari doono sharci cusub oo lagaga hortagayo falalka sida tuugada ah loogu isticmaalo kaadhadhka aqoonsiga ah ee qofkale leeyahay.

 Sharcigan ayaa meesha ka saari doona in qofku si qaldan u adeegsado kaadhka aqoonsiga uu qof kale leeyahay, taasi oo hadhow qofka kaadhka leh waxyeelo u keenaysa. Intii u dhaxaysay sannadadii 2013 ilaa 2014 waxa 4% kor u kacday tirada dacwadaha booliiska loo gudbiyay ee la xidhiidha aqoonsiga been-abuurka ah ee la isticmaalay, halka tirada aqoonsiyada sida qaldan ee tuuganimada loo isticmaalayna kor u kacday 20%.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".