Jan Björklund. Foto: TT Nyhetsbyrån
Daladda ardayda xisbiga FP oo Björklund ugu baaqay in uu is casilo

Daladda ardayda xisbiga FP oo Björklund ugu baaqay in uu is casilo

Ururka daladda ardayda ka tirsan xisbiga Folkpartiet ayaa hoggaamiyaha xisbigaasi Jan Björklund iyo hoggaanka kale ee xisbigaba ugu baaqay in ay xilka ka degaan.

Ururkan ardayda ayaa go'aankan ku sababeeyay kadib markii xisbigu ku guuldaraystay in uu guul ka soo hooyo doorashooyinka intii uu Jan Björnlund xisbiga hoggaaminayay. Sidaasi daraadeed waxa ay hoggaanka xisbiga u soo jeediyeen in ay xilka ka degaan, si xisbiga dib u cusboonaysiin loogu sameeyo.

Dhanka kale daladda ardayda ee xisbigan Folkpartiet waxa ay saluug weyn ka muujiyeen siyaasadda xisbiga ee ku saabsan arrimaha soogalootiga iyo isdhexgalka.

Xigasho: Aftonbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".