Jan Björklund. Foto: Janerik Henriksson/TT.
Jan Björklund oo markale loogu baaqay in uu xilka ka degoFoto: Janerik Henriksson/TT.

Jan Björklund oo markale loogu baaqay in uu xilka ka dego

Xisbiga Folkpartiet waaxdiisa degmada Sigtuna ayaa hoggaamiyaha xisbigaasi u soo jeedisay in uu xilka iska wareejiyo. Waxa soo badanaya soojeedimaha hoggaamiyaha xisbiga Folkpartiet Jan Björklund loogu  soo jeedinayo in uu xilka ka dego.

 Shalay uun bay ahayd markii daladda ardayda xisbigu soo jeedisay in guddoomiye Jan Björklund iyo hoggaanka kale ee xisbigu xilka iska wareejiyaan.

Dan Rosenholm oo ka tirsan xisbiga Folkpartiet, kana hawlgala  maamulka degmada Sigtuna ayaa sheegay in waaxda xisbiga ee degmada Sigtuna ay go'aan ku gaadheen in muujiyaan sida ay u rabaan in uu Björklund ka dego xilka guddoomiyanimada xisbiga, waxaanu  intaasi ku daray in qaybo badan oo xisbiga ka mid ahina ay sidaasi oo kale la qabaan. Dan Rosenholm ayaa soo jeediyay in hoggaanka xisbiga lagu wareejiyo qof dumar ah, waxaanu magacaabay in ay xisbiga hoggaamin karaan labada haween ee kala ah  Birgitta Ohlsson iyo Cecilia Malmström.

 Xigasho: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".