Asylsökande lär sig svenska. Foto: Agneta Johansson Sveriges Radio
Anna Kinberg oo shuruudo u soo jeedisay ehelka dalka la keenayo Foto: Agneta Johansson Sveriges Radio

Anna Kinberg oo shuruudo u soo jeedisay ehelka dalka la keenayo

Guddoomiyaha xisbiga Moderaterna Anna Kinberg Batra ayaa waraysi ay siisay tiifiiga SVT ku sheegtay in loo baahan yahay in shuruudo lagu xidho in qofku eheladiisa keensado Iswiidhan.

 Anna Kinberg ayaa sheegtay in loo baahan yahay in qofka soogalootiga ah shuruud lagaga dhigo in uu guri iyo shaqo haysto si uu qoyskiisa u keeno dalkan Iswiidhan. Sannadkii 2010 ayay ahayd markii dawladdii hore soo jeedisay shuruudahan, ma se ay noqon kuwo si fiican u hirgala. Dhanka kale xisbiga FP ayaa isna si weyn u raba in shuruudo adag lagu xidho marka uu qofku raba in uu ehelkiisa keeno Iswiidhan.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".