Prinsessan Madeleine under besöket i Gävle nyligen. Foto: Jonas Ekströmer/TT
Madaxa idaacadda P4 Gävleborg oo dhaliilay amiirad Madeleine. Foto: Jonas Ekströmer/TT

Madaxa idaacadda P4 Gävleborg oo dhaliilay amiirad Madeleine

Madaxa idaacadda Iswiidhan qaybteeda magaalada P4 Gävleborg Leif Eriksson ayaa amiiradda Madeleine ku dhalliilay in aanay warbaahinta gobolka warayso siinin intii ay gobolkaasi ku sugnayd.

 Madeleine ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tagtay magaalada Gävle, waxaana safarkaasi ku wehelinayay ninkeeda Chris O'Neill. Intii ay magaaladaasi joogtay waxa ay ka gaabsatay in ay wax waraysi ah bixiso. Madaxa idaacadda P4 Gävleborg ayaa sheegay in safaradii ay amiiraddu gobolkaasi ku tagaysay aanay mar qudhana wax waraysi ah siinin idaacadda. Leif ayaa warqad u qoray boqortooyada isaga oo amiiradda ku canaananaya sida ayna ugu jajabnayn in ay idaacaddu waraysato.

Dhanka kale Margareta Thorgren oo ah afhayeenka boqortooyada, ayaa sheegtay in ay si macquul ah uga soo jawaabi doonaan dhiliisha amiiradda loo soo jeediyay.

P1 Morgon/P4 Gävleborg

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".