Kontroll av asylsökande och flyktingar som kommer till Sverige Björn Larsson Ask/TT
1 av 2
Björn Larsson Ask/TT
Skärm med fingeravtryck. Foto: Douglas C. Pizac/TT
2 av 2
Foto: Douglas C. Pizac/TT

Magangelyo doon aan la hayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen

Kala badh dadkii qaxoontiga ahaa ee yimi Sweden sannadkii hore ee la ogaaday in ay hore isaga soo dhiibeen waddan kale oo Yurub ka mid ah, sidaa awaadeedna aan xaq u lahay in ay magangelyo ka dalbadaan waddan kale oo Yurub ka mid ah,

Sida uu dhigaayo sharciga Dublin. Dadkan oo dib loogu celin lahaa waddamada ay hore isaga soo dhiibeen ayaan la hayn meel ay ku dambeeyeen, waxayna doorbideen in ay Sweden dhuumaalaysi ku joogaan. Dadkan ayaa tiradooda lagu qiyaasa lix kun oo ruux.

Dad fara badan ayaan la hayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, iyaga oo ka dhuumanaya in dib loo celiyo. Dadkan oo haddii ay ku guulaystaan in ay dhuumaalaysigaa ku jiraan 18 bilood aan lagu celin doonin waddamada ay hore isaga soo dhiibeen, markaa ka dibna ay magangelyo ka dalban karaan waddankan Sweden.

Martin Linden oo madax ka ah qayb ka mid ah Laanta Socdaalka Sweden ayaa wakaalada wararka ee Raadiyaha Sweden u sheegay in aan xeerkii faraha ee Dublin aanu si wanaagsan u shaqaynayn.

-In dadku ay rabaan in ay magangelyo ka dalbadaan waddamo gaar ah, waa xaqiiq jirta. Middaas oo aan fahmi karo. Sadaashii ahayd in xeerka Dublin si wanaagsan u shaqeeya, maaha mid la gaadhay.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".