brandbomb mot romsk lokal
romska föreningens lokal i Malmö

Dab la qabadsiiyay goob ay dadka roomarka ahi ku leeyihiin Malmö

Xarun urur oo ay leeyihiin dadka roomarka ahi ku leeyihiin magaalada Malmö ayaa dab la qabadsiiyay xalay. Quraarado ay ku jiraan dareere gubanaya ayaa lagu tuuray goobtan.

Balse qof ku sugnaa goobtan ayaa ka samato baxay dabkan, sida uu ku waramayo boolisku.

Booliska ayaa hadda arrinkan u baadhaya in uu yahay dab khatar ah oo meel la qabadsiiyay, balse ilaa hadda ma hayaan wax cadaymo ah ama dad looga shakinsan yahay dembigan.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".