Språkrådets nyordslista 2014

Imisa ayay ku qaadataa in ajnabiga la cayimo shahaadooyinkooda

Dadyoowga ajaaniibta ee dalkan socdaalka ku yimaada ayey muddo dheer ku qaadataa sidii shahaadooyinkooda loogu cayimin lahaa, middaasina ay ugu wacan tahay tirada xad-dhaafka soo-galootia ee waayadan dambe dalka socdaalka ku yimaada iyo in aanay hayadaha qaabil-sani ka gaarin sidii loo qiimayn lahaa waayo-arag-nimadooda.

Tusaale ahaan dhakhtarka ka soo jeeda waddammada ka bax-san EU ayay ku qaadataa illaa iyo toddoba sannadood kolka uu dalkan yimaado, sidii uu xirfaddiisa ugu howl-geli lahaa. Iyadoona uu culayska ugu badan kaga soo wajahmo shuruudda la xiriirta dhanka luuqadda, sida ay sheegtay Pernilla Ek, ahna madaxa laanta cayimaadda ee hayadda hoggaanka bulshada ee afkan iswiidhishka lagu yiraahdo Socialstyrelsen:
- Sida nidaamku maanta yahay waxaan inta badan maqalnaa inay caqabad tahay barsahada luuqadda, middaasina ugu wacan tahay sannadaha badan. Iyo sidoo kale inaan la helin goob tababar xirfadeedka lagu qaato, waxa loo yaqaanno praktikplatser oo la isku shuruudeeyo, sida ay sheegtay Pernilla Ek, oo ka mid ah saraakiisha ka howl-gasha hayadda Socialstyrelsen.

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".