Tusentals motdemonstranter protesterar mot Pegida i Malmö. Foto: Martina Pierrou/P3 Nyheter
Kumaan kun qof oo mudaharaad kalo horyimid kooxda Pegida oo magaalada Malmö banaan bax ku lahaa. Foto: Martina Pierrou/P3 Nyheter

Pegida oo guuldaro kalo kulantay Sweden

Dhaqdhaqaaqa islam diidka ah ee Pegida ayaa habyenimadii isniinta banaan baxoodii ugu horeeyey ee ka dhaca Sweden ku qabtay magaalada Malmö.

Dhaqdhaqaaqa Pegida ayaa ka soo billowdey dalka Jarmalka halkas oo ay ka dhigeen banaan baxyo dad badan ka qaybgaleen looga soo horjeeda wax ay ugu waceen Islaaminta Yurub. Dhaqdhaqaaqan ayaa ku soo fidey waddamada Scandinavia sida Norwey iyo Danmark, laakiin dhaqdhaqaaqan ayaa illaa iyo hadda ku guuldareystay isku deygooda ah in ay ku baahan waddamadan. Gaar ahaab dalkan Sweden ayaa guuldarada ugu badan ka soo gaartay.

Banaan baxa kooxda habeynimadii isniinta ka dhigtay magaalada Malmö ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad tiradooda ay ka yartahay 40 qof halka ku dhawaad 5 000 oo qof kalo horyimaadeen banaan baxa ay kaga soo horjeedan kooxdan.

/ P3 Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".