Utrikesminister Margot Wallström. Foto: TT
Wasiirka arrimaha dibadda Iswiidhan. Foto: TT

Margot Wallström oo baarlamaanka horgaysay qorshaha wasaaraddeeda

Maanta waxa ay wasiirka arrimaha dibadda Iswiidhan Margot Wallström baarlamaanka hor keentay qorshaha wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiirka ayaa saacaddan hadda si toos ah baarlamaanka uga hor akhrinaysa qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin, xaaladda siyaasadeed ee ka taagan waddanka Yukrayn iyo waliba sidii loo xakamayn lahaa dadka u taga waddanka Siiriya si ay uga qaybqaataan dagaalada halkaasi ka socda. Dhanka wasiirku waxa ay ka hadashay weeraradii argagixiso ee ka dhacay dalka Faransiiska, kuwaasi oo lagu qaaday jarriiradda Charlie Hebdo.

Maaddaama oo ay wasiirku hadda ka hor hadlayso baarlamaanka, waxa aanu goor dhow idin soo gudbin doonaa warbin dheeraad ah oo ku saabsan kulanka maanta ee warsiirka arrimaha dibadda iyo baarlamaanka.

Xigasho: SR

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".