Foto: Andreas Björklund/Sveriges Radio
45 000 qof oo sannadkii nafta iska goysa marka ay shaqo waayaanFoto: Andreas Björklund/Sveriges Radio

45 000 qof oo sannadkii nafta iska goysa marka ay shaqo waayaan

Daarasad cusub oo laga sameeyay 63 dal oo adduunka ku yaalla ayaa muujinaysa in dadka nafta iska jara marka ay bilaa shaqada noqdaan yihiin 45 000 qof sannadkii.

Daraasaddan oo lagu baahiyay jarriiradda Lancet ayaa dalalka cilmi-baadhistan laga sameeyay waxa ku jirta Iswiidhan. Daraasaddan oo ay samaysay jaamacadda magaalada Muurish ( Zurich), ayaa muujinaysa in sannaddadii 2000 ilaa 2011 ay tirada dadka nafta iska qaada marka ay shaqada waayaan kor u kacday 20% ilaa 30%.

Markii dhaqaale-burburka weyni dunida ka jiray sannaddadii 2008 iyo 2009 waxa nafta iska gooyay dad tiradoodu ay dhan tahay 5000 qof, waxaanay taasi muujinaysaa in shaqo-la'aantii markaasi jirtay keentay in ay dad badani is dilaan.

Xigasho: TT, SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".