Kyrkorna i Falun erbjuder tiggare och hemlösa tak över huvudet. Foto: Hasse Holmberg/TT
Booliiska oo dadka darbijiifta ah ka raray faras-magaalaha Stockholm. Foto: Hasse Holmberg/TT

Booliiska oo dadka darbijiifta ah ka raray faras-magaalaha Stockholm

Hawlgal uu boolisku sameeyay subaxnimadii maalintii arbacada ayaa uu goobihii ay hurdeen ka raray dad badan oo guryo la'aani ku hayso magaalada Stockholm.

 Dadkan guryo la'aantu hayso oo ah soogalootiga ka yimaadda waddanka Roomaniya waxa ay hoy ka dhigteen in ay seexdaan bannaanka hore ee dhismayaasha ku yaalla farasmagaalaha Stockholm. Booliiska ayaa intii ay hawlgalkani ku jireen si fiican ugu raray alaabihii ay dadkani wateen, sida gogoshii ay ku seexanayeen iyo wixii la midka ahaa. Booliiska ayaa sheegay in ay dadkani u rareen xaafadda Vårberg, halkaasi oo ay meel uga sameeyeen.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".