Malmö iyo Stockholm oo dibadbaxyo laga dhigay

Shalay waxa dibadbaxyo dad badani ka qaybqaateen laga dhigay magaalooyinka Malmö iyo Stockholm. Dibadbaxyadan ayaa ahaa kuwo lagaga soo horjeeday falkii foosha xumaa ee nin waardiye ahi u geystay wiil yar oo sagaal sanno jira.
Falkan oo toddobaadkan ka dhacay magaalada Malmo ayaa nin waardiye ahi wiil yar dhulka madaxa ula dhacay mar ay ku sugnaayeen farasmagaalada magaalada Malmö. Dadkii ka soo qaybgalay labadan mudaharaad oo aad u badnaa ayaa falkan ku tilmaamay mid fool xun oo loo baahan yahay in wax laga qabto. Alva Dahn oo ka mid ahayd dadkii soo abaabulay maduharaaddadan ayaa sheegay in loo baahan yahay in baadhitaan lagu sameeyo arrintan, waxaanay dhanka kale sheegtay in badi dadka jilicda sani yihiin kuwa u nugul dhibaatada ayna markasta dhibaatadu ku dhacdo.
Xigasho: SVT