olis på plats vid olycksplatsen där flera personer skadades i en allvarlig trafikolycka på Amiralgsgatan i Malmö på onsdagen. Foto: Johan Nilsson/TT
Booliska Malmö oo qaybtay wiilal shil baabuur sababayFoto: Johan Nilsson/TT

Booliska Malmö oo qaybtay wiilal shil baabuur sababay

Booliska magaalada Malmö ayaa qabtay afar wiil oo looga shakisan yahay in ay ka danbeeyeen shir baabuur oo khasaare badan gaystay.

Afartan wiil ayaa gaadhi ay wateen waxa uu laba jeer si sharcidarro ah u dhaafay laba goobood oo ay booliisku ku kaantaroolayeen gaadiidka, taasina waxa ay keentay in baabuurkan oo xawaare sare ku socdaa ku dhaco gaadiid kale oo marayay waddada Amiralsgaten ee magaalada Malmö, iyada oo ay halkaasi ku dhaawacmeen haweenay iyo ilmo yari. Waxaanu sidoo kale baabuurkani khasaare u gaystay gaadiid kale oo waddada marayay. Afartan nin ayaa uu booliisku ku eedaynayaa in ay khasaare u gaystay dad iyo gaadiid waddada marayay iyo waliba in ay maandooriye isticmaalayeen.

Xigasho: P4 Malmöhus

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".