Margot Wallström.
Margot Wallström, wasiirka arrimmaha dibadda Sweden. Sawirle: Jessica Gow / TT

Xubnaha xisbiga MP oo dhaleeceeyn u jeediyey dawladda

Iyada oo lagu guda-jiro wada-hadallada xubnaha dawladda ee la xiriira sidii laga yeeli lahaa heshiiska milateri ee dalkani la galey dawladda Sacuudiga sannadkii 2005 ayey xubno sarsare oo ka tir-san xisbiga Doogga - Miljöpartiet ku dhawaaqeyaan in cusbooneey-siinta heshiiskaasi haddii lagu tallaabsado uu ka hor imanayo heshiiskii mabaadii'da xisbiga Miljöpartiet iyo Socialdemokraterna wada gaareen, iyo in dawladdu ku shaqeeyn doonto siyaasad u daneenaysa ilaalinta xuquuqda haweenka. Carl Schlyter, wuxuu ka mid yahay xubnaha xisbiga Doogga:

- Waannu sheegney siyaasadda dibadda ee aanu dooneyno in la hir-geliyo. Waxaannu sheegney siyaasadda aannu ka qabno ilaalinta xuquuqda haweenka iyo nidaamka talo-wadaagga. Heshiiskanina waa mid lid ku ah dhammaan aasaaska heshiisyadii labadayada xisbi MP iyo S wada gaareen. Marka dhankayga waa xaald cad halka aan ka taagnahay, sida uu sheegay.

Wasiirka arrimmaha dibadda Margot Wallström, ayaa kolkii xilkan loo magacaabey gabagabadii sannadkii ina dhaafay ku dhawaaqday in dawladda ay xubinta ka tahay oo ey ku midoobeen xisbiyada casaan-cagaarku ku socon doonto siyaasad salka ku haysa ilaalinta xuquuqda haweenka, waxa loo yaqaanno feminism. Hase yeeshee ay wasiiraddu ka gaabsatay inay faallo ka bixiso fikirka ay heshiiskaasi ka qabto, balse sheegtay inay amuurtaasi ka wada xaajoon doonaan xubnaha dawladdu, si go'aan kama dambeeys ah looga gaaro.

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".