Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Migrationsverket.
Hayadda socdaalka. Sawirle: Maja Suslin/TT

Boqolaal dhallaan ah oo la la'yahey

Boqoolaal ka mid ah dhallaanka qaxa ku yimaada dalkan ayaa sannad walba la waayaa halka ey jaan iyo cirib dhigeen.
Sannadkii ina dhaafay ayaa la waayey dhallaan tiradoodu gaarsii-san yihiin 374. Waa tiro u dhiganta maalintiiba mid ee sannadka, sida ey tira-koob ku caddeeysay hayadda socdaalka.

Dhallaanka la waayo ayaa badankood ey da'doodu u dhexeeysaa 15 illaa iyo 17 jir. Halka dhanka kale sannadkii 2012 la waayey halka ey mareen dhallaan sagaashan gaarsii-san oo da'dooduna 12 aanay ka weynayn, sida ku cad tira-koobka hayadda socdaalka. Dhanka kale 30 ka mid ah tiradaas sagaashanka ayey da'doodu ka hooseeysay 6 jir, sida uu sheegay Jens Mikkelsen.

Madaxa laanta saxaafadda ee hayadda socdaalka, Fredrik Bengtsson ayaa sheegay mar uu u warramayay idaacadda la iska daawado ee Svt in aanay jirin cid garanaysa halka ey dhallaankaasi ku dambeeyaan, waa haddii aaney iuyagu isa soo sheegin.

                                                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".