Tahriib
1 av 4
Bandhig Malmö lagu qabtay sannadkii hore ku sabsanaa dhllinyrada soo tahriibta iyo dhabyaasha ay soo maran. Foto:Warsame Elmi
tahriib
2 av 4
Tusaale muujinaya doonyaha dadka lagu soo tahriibo iyo sida ay u egyahiin. Foto:Warsame Elmi
Foto:Warsame Elmi
3 av 4
Foto:Warsame Elmi
Foto: Warsame Elmi/SR
4 av 4
Sheekada mid ka mid ah dadka tahriibka ku soo maray Mediterranean. Foto: Warsame Elmi/SR

Badweynta Mediterranean oo noqotay xabaalo qarsoon

Tahriib oo noqday warshad laga taajiro
8:03 min

Tahriibayaal kor u dhaafaya 300 ayaa dhamaadka todobaadkii la soo dhaafay ku nafyaayey badweynta Mediterranean ee u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga ka dib markii dooni gacan ku sameys aheyd oo saarnaayen badeynta ku qalibmatay.

Sannadkii hore dad kor u dhaafaya 3000 ayaa ku nafwaayey badweyntan iyada oo la soo badbaadiyey tiro ka badan 170 000 oo ruux.

Qolyaha dadka ku soo tahriibiya badweynta ayaa tahriibyaasha ka soo buuxiya doonyo gacan ku sameys ah ama kuwo yaryar oo ah kaluumaysiga loogu talo galay. Waxayna calaa ruux ka qaartaan dhaqaale kor u dhaafaya oo dollar.

Mid ka mid ah dadka tahriibka ku soo maray badweyntas muddo hadda laga joogo shan sanno oo la soo badbaadiyey waa Wiz Hassan oo imminka ku nool magaalada Malmö. Wiz ayaa ka sheegeyna jabkii uu ka soo maray tahriibka badda Mediterranean, isagoo yeri qolyaha wax tahriibaya damacooda keliya waa sidii ay lacag ku sameyn lahaayeen oo dhaqso ku taajiri lahaayeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".