mars
Sida tan ayuu xidiga gaduudan ee Mars u egyahay. Foto: Nasa

Ma jiro qof reer Sweden ah oo Mars u guuraya

Mashruucan loogu guurayo xidiga Mars oo la yiraahdo Mars One ayaa ah mashruuc ka socda dalka Holland. Dad ka badan 200.000 oo qof ayaa soo dalbaday in ay u guuraan koonka Mars laakiin 663 qof ioo keliya ayaa la wareystay.

Tirada soo dalbatay in ay u guuraan Mars ayaa imminka  waxaa laga doortay 100 qof keliya, liiska dadka la doortayna kuma jiro qof reer Sweden ah.

Martin Johansson oo ah 29 sanno jir ku nool magaalda Kalmar ayaa ka mid ahaa dadka dalbaday in ay ka mid noqdaan mashruucan loogu guurayo xidiga Mars, waxuuna ka mid nqoday 663 ruux ee wareysiga maray, laakiin dhawaan waxaa la soo gaarsiiyey in uusan u gudbin wajiga labaad.

– Maya, Markan iima suurtogelin. Boqolkii 15 keliya ayaa laga doortay 663 ruux ee soo hartay, ayuu yeri Martin Johansson, isaga oo intaas raaciyey in tartanka arrintan loogu jiro uu yahay mid adag.

Boqolka qof ee soo haray ayaa la sii kalo reebi doonaa kuwa soo harana waxaa la marsiin tabobar adag oo ku sabsan sidii ay u degi lahaayeen koonka gaduudan ee Mars. Farta ruux ee xidigas degi doonta ayaa la diri doonaa sannadka 2024 iyada oo loo goonayo tikid aan soo noqosho laheyn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".