Anna Kinberg Batra får kritik. Foto: Maja Suslin/TT
Anna Kinberg Batra får kritik. Foto: Maja Suslin/TT

Xisbiga M oo raba in kor loo qaado miisaaniyadda gaashaandhiga

Inkastoo xisbiga Moderaterna ay hoos u dhigeen miisaaniyadda gaashaandhiga markii ay hayeen hogaanka xukuumada waddanka, balse wadda hadalada hadda ee ku aadan siyaasadda difaaca ee la soo bandhigi doono bisha April ayaa xisbiga Moderatku wuxuu rabaa in kor loo qaado miisaaniyadda difaaca.

Siyaasaddan cusub ee gaashaandhiga ayaa ah mid shaqayn doonta inta u dhaxaysa sanndaha 2016 ilaa 2019. Sida ay maanta sheegtay gabadha hogaanka u haysa xisbiga Moderatka ee Anna Kinberg Batra.

Wasaarada gaashaandhiga ayaa dalbaday afar bilyan sannad kasta inta lagu gudo jiro afarta sanno ee soo socda, balse sida lagu sheegay maclumaad uu helay wargeyska Svenska Dagbaldet dawlada ayaa rabta in kaalmo dhaqaale oo dhan 500 oo milyan oo qudha in ay ku bixiso gaashaandhiga.

Anna Kinberg Batra ayaa leh, lacagtaasi maaha mid kuma fila gaashaandhiga, waxayna ku talinaysaa in dawladu dib isagu noqoto.

Isha: Ekot

samir.dualeh

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".