svårt med rökfria hus
Sigaarka oo laga mabnuuci doono goobaha ay bulshadu ku kulanto. Foto: Fredrik Sandberg/TT

Sigaarka oo laga mabnuuci doono goobaha ay bulshadu ku kulanto

Wikström:hadafka waa sidii sigaar cabista loo yareyn lahaa
2:30 min

Wasiirka caafimaadka dalkan Iswiidhan Gabriel Wikström , ayaa raba in uu xakameeyo cabbitaanka sigaarka lagu cabbo goobaha bulshadu ku kulanto.

Toban sanno ka hor bay ahayd markii la hirgaliyay sharciga mabnuucaya in sigaarka lagu cabbo goobaha lagu caweeyo ee kilaabyada loo yaqaano. Haddana, marka kale waxa ay Iswiidhan qorshaynaysaa in cabbitaanka sigaarka laga mabnuuco goobo badan oo ay ka mid yihiin, xarumaha gaadiidka laga raaco sida basaska iyo tareenada, goobaha ay carruurtu ku ciyaarto iyo goobaha bannaanada ah ee lagu cunteeyo. Sidani waxa jarriiradda DN ku qoray Gabriel Wikström oo ah wasiirka caafimaadka Iswiidhan.

Xigasho: DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".