Polisen bevakar utanför Stockholms stora synagoga. Foto: Vilhelm Stokstad/TT
Dhallinyaro khasaare u gaysatay xarunta tareenka Akalla. Foto: Vilhelm Stokstad/TT

Dhallinyaro khasaare u gaysatay xarunta tareenka Akalla

Dhawr dhallinyaro ah ayaa khasaare u gaystay xarunta uu tareenku ka baxo ee xaafadda Akalla. Galabnimadii salaasada xilli ku beegan lixdii fiidnimo (18:00) ayay dad dhawr ahi waceen booliiska.

Iyaga oo u sheegay in gudaha xarunta ee tareenku ka baxo uu qiiq ka baxayo. Markii ay booliisku goobta yimaaddeen waxa ay arkeen khasaare kooban oo ay dhallinyaradu u gaysatay albaabka tareenka, iyaga oo sidoo kale furfuray qalabkii dabdamiska ee goobta yaallay, kaasi oo sababay in uu qiiq goobta ka dhasho.

Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".