Rulltrapporna i Östermalmstorg är stoppade efter olycka i lördags. Foto: Max Pröckl/Sveriges Radio.
Sallaanada xarumaha tareenada qaarkood oo ciladi ku timid. Foto: Max Pröckl/Sveriges Radio.

Sallaanada xarumaha tareenada qaarkood oo ciladi ku timid

39 sallaan ( rulltrappor) oo ka mid ah sallaamada dadku raacaan ee ku yaalla xarumaha ay tareenadu ka baxaan ee magaalada Stockholm ayaan maanta shaqaynayn.

 Sallaamadan ayaa u istaagay cilad farsamo awgood. Afhayeenka shirkadda SL ayaa sheegay in ay sugeen ammaanka goobahan xidhan, si ay uga hortagaan in dadku wax ku noqdaan. Tani iyo intii ay sallaamadani joojiyeen shaqadoodii, hal qof oo haweenay ah baa wax ku noqotay goob ka mid ah xarunta tareenadu ka baxaan ee Östermalmstorgs.

Xigasho: SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".