En tungt beväpnad polis vaktar den judiska församlingens lokal i Malmö med anledning av terrordåden i Köpenhamn. Foto: Daniel Kihlström /TT
Gabadh reer Norway ah oo laga baqayo in ay isku qarxiso Sweden. Foto: Daniel Kihlström /TT

Gabadh reer Norway ah oo rabta in ay isku qarxiso gudaha Sweden

Booliiska dalka Norway ayaa booliiska dalkan Sweden uga digay in gabadh reer Norway ahi iyada oo nafteeda galaafanaysa isku qarxiso gudaha dalkan Sweden.

Sidaasi waxa qortay jarriiradda GT. Booliiska Norway ayaa sheegay in ay gabadhi dhawaan u safartay dalka Siiriya, si ay uga qaybgasho dagaalada dalkaasi ka socda. Iyadoo dhanka kalena halkaasi ku soo qaadatay tababar xagga hubka ah. Gabadhan ayaa ay booliiska dalka Norway sheegeen in ay qorshaynayso in ay isku disho gudaha Sweden. 

Rachel Billington oo ah madaxa isgaadhsiinta booliiska caalamiga ah ee Interpol oo arrintan xaqiijiyay ayaa sheegay in ay digniintani tahay nooco loo yaqoono orange notis.

Xigasho: Svt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".