Drottninggatan (Foto: Christine Olsson / TT.)
Waxa sannadkii 2014 korodhay tirada shacabka Sweden (Foto: Christine Olsson / TT.)

Waxa sannadkii 2014 korodhay tirada shacabka Sweden

Sida ay sheegtay xarunta tirakoobku, tirada shacabka Sweden ayaa gaadhay halkii ugu sarraysay waligeed. Waxaana tan ugu wacan tirada dadka soogalootiga ah oo waddanka ku soo batay.

Tirada shacabka Sweden baa kor ku kacay 100 000 qof sannadkii sannadkii 2014. Waxaanay tirada dadka dalkani ku nooli gaadhay 9 747 355 qof. Waxa la filayaa in ay sannadkanna tiradu kor u sii kici doonto. Dhanka kale waxa uu tirakoobkani muujinayaa in ay badatay tirada ragga, ayna taasi ugu wacan tahay dadka soogalootiga ah oo rag u badan.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".