Shirkdaha u adeega dadka gaboobay oo lagu tuhunsan iibsiga macaamiishooda

Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee u adeega dadka gabooobay ee magaalada Stockholm ayaa lagu tuhunsan yahay in ay ku soo jiitaan macaamiishooda balamo ah in ay siinayaan hadyado iyo sidoo kale in ay ka bixinayaan kharash laga qaado qofka marka la siinaayo adeegan.

Imika ayaa baadhitaan lagu samaynayaa dhowr shirkadood, sida laga soo xiganayo qaybta qaabilsan daryeelka dadkaweyn ee maamulka degmada Stockholm

Shirkadahan ayaa lagu eedaynayaa in ay hadyado ku laaluusheen dadka dadka wayeelka ahi, in ay macaamiishooda noqdaan.

samir.dualeh@sr.se