In la mideeyo daryeelka caruurta qabta kansarka oo mid ah wanaagsan

Haddii goobaha daryeelka ee caruurta qabta cudurka kansarka ee waddankan Sweden la isugu soo ururin lahaa dhowr goobood oo khaas

Middaas ayaa sare u qaadi lahayd daryeelka caafimaad ee la siiyo caruurtaas, sidaa waxaa shaaca ka qaaday is-barbar dhig caalaami ah oo la sameeyay

Tusaale ahaan waddanka Holland, dhamaan daryeelka caruurta qabta kansarka ayaa la isugu geeyay hal isbitaal.

Barafasoor Per Kogner oo ka hawlgala machadka Karoliniska ayaa sheegay in daryeelka baahsan u horseedi karo in caruurtu aanay helin daaweyn wanaagsan.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se