Dumarka ragga heysan oo loo sahlayo uur in lagu beero

5:35 min

Xukumada Sweden ayaa qorsheynaysa in markii ugu horeysey haweenka keligood nool ee lamaanaha laheyn loo suurtogeliyo in ay uur isku beeraan.

Maanta middas dalka Sweden waa ka mamnuuc, balse dalka deriska ah ee Danmark ayaa taas banaantahay. Haween badan ayaan dalkas u socdaala si ay ilmo uurka ugu soo beertan. Laakiin heerka kalo gedisan ee maamulada ayaa ku talinaya in haweenka keligood nool ee doonaya in ilmo uurkooda lagu abuuro lagu xiro sharuudo ka adag kuwo lagu xiro lamaanah doonaya in uur lagu abuuro.

Matti Ridenfeldt ayaa ka mid ah haweenka keligood nool ee inta Danmark tagtay ilmaha isku soo beertay:

- Waa ku tusin karaa ilmaha iigu yar… markuu sabaxii hurdada ka soo kaco waxuu markasta raadiyaa wallaalshii ka weyn, ka dibna inta guurguurasho ugu tago ayaa madaxa ka salaaxaa, waxaa ka dhaxeeya jaceyl xoog badan la badoo ayey, tiri.

Matti Ridenfeldt ayaa moobilkeeda ka tusisey wariyaha warbaxintan caruurta ay dhshay. Labadeeda caruur waxay ku dhashay farsadama ilmo ku abuurka, oo ay ka soo sameysey dalka Danmark, iyada oo lagu shubay shahwo ruux aysan aqoon ku deeqay. Dalka Sweden se middas suurgal maantakama aha. Laakiin waxaa jira isbadalo la qorsheynayo in ay sharciga lagu sameeyo ugu horeyn xagaaga fooda nagu soo haya, sida ay muujinayso hindisa ay xukumadda soo bandhigtay. Laakiin hindisaha dolwadda ayaa la kulmay dhaleeceyn badan oo ay u soo jeedinayaan heerarka kalo gedisan ee maamulada dalka, kuwaas oo ku talinaya in uur ku beeridda dumarka aan lamaanaha wadan ay ka horeyso baaritaan xoog badan oo ka badan kuwa ay maraan lahmaana isla socdo ee doonaya in ilmo gelin lagu sameeyo.

Laakiin Matti Ridenfeldt ayaa sharuudaha noocan ah ka shakisan.

- Marka sharuudo gaar ah loo sameynayo dadka koox ka tirsan markas waa in ay jiraan sababo xog leh sababta sharuudahas loogu xirayo. Sababaha xooga lehna waa in ay ka culays badan yahiin waxyeelada ay sharuudaha dhalanayaan. Sida muuqata arrintan, waxyeelada waa in haween keligood ah ee waalidka ah ay yahiin waalid xun, ayey tiri.

Waxaa ka mid ah maamulada soo jeedinaya sharuudahan ah in baaritaano lagu sameeyo dumarka keligood nool ee ilmaha isku abuuraya, ururka kulmiya degmooyinka iyo dobalada dalka ee magaciisa loo soo gaabiyo SKL iyo weliba hey’adda bulshada ee Socialstyrelsen. Maamuladan ayaa waxay doonayaan in lagu sameeyo dumarkan baaritaano dhafsiisan caafimadkooda. Sida in marka qofta dumarka ah dooneyso ilmo lagu abuuri in ay baaritaan xaaladeeda nolaleed ku sameyso gudiga arrimaha bulshada ee loo yaqaan Socialnämden.

Dennis Jutterström, waa sharci yaqaan ka howl-gala hey’adda arrimaha bulshada Socialstyrelsen, waxuuna yeri in tan micnaheeda ay aheyn sharuud xad dhaaf ah oo lagu xirey dumarka keli nool.

- Waxaan ka wadno ma ahan sharuudo dheerad ah oo lagu xiro haweenka keligood nool balse waxaan dooneynaa in ilmaha ku koraan xaalad nolaleed oo wanaagsan. Badanaa ilma labada waarid leh waxay ku koraan nolal degan oo amaan ah. Mabda’aas keli ayaan raaceynaa, yey tiri.

Balse Matti Ridenfeldt oo iyada maanta heysata labo ilmood oo uur ku beeris ku dhashay ayaan fahansaneyn dooda noocan ah.

- Waxaan qabaa in la kalo doort qofka waalid noqonaya iyo kan kale in aysan aheyn dhbo wanaagsan oo ay tahay in la qaado. Waxaa ka wanaagsanb bulshada iyo hey’adaha dowliga ah in ay caawiyaan waalidka keligood caruurta dhala oo ay ka caawiyaan si aysan xaaladooda u noqon mid tfaqooq ah oo aragtiyo qaladan laga heysto.

Fakta:

Maanta in badan wadamada waqooyiga Yurub waa banaan tahay in ilmo uurka loogu abuuro hooyaada ama haweyneyn aan laheyn lamaane. Balse wadamada Sweden iyo Norway ayaa maanta taas tahay mamnuuc. Sannad kasta Sweden caruur gaareysa 4000 ayaa ku dhalato oo hooyada ilmo galeenka shaxwada loogu shubo. Haween badan oo reer Sweden ah oo kaligood nool ayaa waddanka dibadiisa ka soo sameystay uurka sancada ah.

Doodda arrintan la xiriirta baarlamaan Sweden waxay ka billaaba tay sannadkii 1984. Wagaas inta badan aqlibiyadda baarlamaanka arrinkan waa diidey iyada oo sabab looga dhigay wanaaga ilmaha. Laakiin aragtiada arrintan a xiriir ayaa dhowr goor iosbadalo ku imaadeen. Waayadan danbena xisbiyada ee garabyada siyaasadeed ee dalka ayaa soo jeediyey hindisiyaal haweenka keligood ah u sahlaya in ilmo uurka loogu beero. Sannadkii 2013kii ayaa xukumaddii dalka ka talinaysay guddi baaritaan arrintan u saartay.

Baaritanka oo natiijadiisa hadda la soo bandhigay ayaa ku talinaya in loo suurogeliyo haweenka keligood nool uur in lagu minkood lagu abuuro, taas oo haddii la maalmariyo dhaqan gelaysa laga inta lagu jiro sannadkan guddahiisa. Waxaana la maleynayaa in haween kor u dhaafyaa 1 500-2000 oo keligood nool in aysan sannadkii arrintan ka faa’ideysan doonaan oo ilmo uurka loogu abuuri doono.

Källa: Läkartidningen.