Löfven oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jarmalka

Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven oo booqashadiisii koowaad ee rasmi ah ku maraya dalka Jarmalka wixii ka dambeeyay kolkii jagada loo doortay ayaa maanta kulan magaalada Baarliin kula qaatay kansalerka dalkaasi Angela Merkel.

Shira-jaraa'id oo ey si wada jir ah u qabteen labada hoggaamiye ayuu Stefan Löfven ku ammaanay hoggaanka jarmalka kaalintii ay ka geeysatay dhex-dhexaadinta caqabadda ka aloosan dalka Ukraa'iin.

Labada hoggaamiye ee Löfven iyo Mrekel waxey sidoo kale ka wada xaajoodeen xaaladda kobaca dhaqaale ee Yurub iyo siyaasadda soo-galootiga. Iyadoona ey labada hoggaamiye u soo jeediyeen waddammada waddammada xubnaha ka ah EU iney kaalin ballaaran ka qaataan soo dhoweeynta qaxootiga ka soo baqoolaya dagaallada ka aloo-san dalka Suuriya.

Hoggaamiyaha Sweden iyo Jarmalka ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan siyaasado ey ka mid yihiin cimilada, qaxootiga iyo siyaasadda dhaqaalaha.

Merkel ayaa sidoo kale ku ammaantay dalka Sweden nidaamka dhaqaale ee isku dheeli-tirka suuqa dhaqaalaha iyo danta bulshada.

Isha/ SvT

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se